Mas’uul katirsan Puntland iyo ilaaladiisa oo Lagu Dilay Waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ku waramaya in goor dhaw laga maqlay dhawaqa qarax weyn oo galaaftay Nolosha Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Puntland.
Dad ku dhaw 10 ruux ayaa ku dhintay qaraxa waxaana kamid ah Siciid Cali Yuusuf Gaadayare oo ahaa mas’uulkii maaliyada Puntland ee Gobalka Mudug.
Waxaa muuqata in bartilmaameedka uu ahaa Saciid sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo ilo wareedyo mas’uul ah.
Hoteelka Unlaaye oo kamid ah hoteelada ugu caansan Gaalkacyo ayuu fadhiyay Gaadayare xiliga qaraxa lala eeganayay.
isaga iyo shan kamid ah ilaaladiisa ayaa ku baxay qaraxa oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay xarakada Alshabaab.
waxa uu ahaa rug cadaa ku weynaa Puntland oo soo qabtay xilal kala duwan tan iyo waqtigii Cabdullaahi Yuusuf.
Saciid Cali ayaa sidoo kale ahaa isku xiraha Maamulka Puntland iyo Dowladda Itoobiya
Xaalada Gaalkacyo ayaa kacsan waxaana magaalada ku roondeynaya ciidamada puntland.
waxaa jira rag kale oo la dhintay Saciid.
La soco wixii soo kordha inshaa allaah.