Shareecada Islaamku maxay ka qabtaa in dhul gaalo la aado?
Soomaali fara badan ayaaa u tahriibay dalalka shisheye kuwana weli ayay u hanqal taagayaan in ay u socdaalaan waxaanay beylah u yihiin shisheeyaha uurka ka neceb.
Shekh Cali Katiin oo ka mid aha culumada Diinta Islaamka ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxa uu uga hadlay arintaasi asigoo tilmaamay in dadka sii socda iyo kuwa tegayba ay siran yihiin.
wuxuu sheegay safarkaan tahriibka ah sharci ahaan in uu baadil yahay asigoo kula taliyay dadka Soomaaliyeed in ay ka soo hijroodaan dhulalka shisheeye oo ay dalkooda soo aadaan.
Shekhu wuxuu shegaya in ay qalad tahay in aad aaddo guriga ninkii adiga kugu soo duulay waxaanuu soo hadal qaaday dagaalka maanta muslimiinta iyo gaalada u dhaxeeya.
dhanka kale maxamed maxamuud xaashi oo ka mid ah indheer garadka soomaaliyed horayna uga soo hijrooday dalka maryakanka ayaa ka sheekeyay wixii uu ku soo arkay halkaas iyo neceybka loo qabo muslimiinta.
HALKAAN KA DHAGEYSO SHEEKH CALI KATIIN
HALKAAN KA DHAGEYSO NABADOONKA