12 Kadib, Garoonka Diyaaradaha Brussales oo qayb kamid ah la furay.

Iyadoo bishii hore ee aynu soo dhaafney weerar xoogan oo ay dad badani ku dhinteen uu ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussales caasimadda dalka Bilijimka, ayaa maanta oo Axad ah waxaa dib loo furay Garoonkaas iyadoo in muda ah uu xannibnaa.

Madaxa Fulinta Garoonka Diyaaradaha Brussales Arno Vest ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay maalintii shalay waxa uu ku sheegay in la furaya qayb kamid ah shaqo maalmeedkii Garoonka Diyaaradaha Biljimka.

Wuxu sheegay Vest in 20% howlaha Garoonka maanta oo Axad ah ay furmayaan, isagoona intaa ku daray in inta soo hartay si tartiib tartiib ah loo furi doono.

Shirkadda Diyaaradaha Broksel Ireland ayaa bilaabeysa saddex duulimaad oo ay ku tageyso wadamada Griiga, Talyaaniga iyo Burtaqiiska, waxaana dadka safarya ay gaarayaan kumanaan Ruux.

12 maalmood oo xiriir ah ayuu xirnaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Brussales, waxaana taas ay ka dhigantahay hoos u dhaca xoogan oo gaaray dhaqaalaha Xukuumadda Biljimka, iyadoona ay xusid mudantahay in wali garoonka uusan si buuxda u bilaabin howlihiisa maadaama la furay oo kaliya 20% howlihii joogtada ahaa ee uu Garoonka qabanayay.

Weeraradii 22 Marso waxa ku dhintay 34 Ruux, halka 340 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana jirta dhaawacyo halis ah oo mar waliba ay suurta gal tahay iney dhintaan, taas oo sare u qaadi karta tirada dhimashada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.