Alfurqaan oo Wareysi Xasaasi ah ka Qaaday Sheekh Xasan Yacquub.(Dhageyso)
Wareysi laba qeyb ka kooban ayay ALfurqaan la yeelatay waaliga Galguduud sheekh Xasan Yacquub Cali.
Qeybta koowaad ee wareysiga oo xalay ku baxday dhuuxa ayuu sheekh Xasan kaga hadlay dagaallo ka dhacay Gobalka oo dhex maray ciidamada Itoobiya iyo shabaabul Mujaahidiin.
Sheekh Xasan Yacquub waxuu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo baxay Dhuusa mareeb ay Ceelbuur ku tageen 7 Cisho iyagoo mudadaasi la kulmay weeraro xoogan.
Ciidamo kale oo qabtay Galcad ayuu sheegay inay ugaysteen qasaaro xoogan kuwaasi oo haatan ku sugan tuulo 30 km ujirta Galcad.
Sheekh Xasan ayaa sheegay in faa’ido ay ugu jirto mar kasta oo shisheeyuhu ka baxaan dhufeesyada.