Ciidamada shisheeye iyo shacabka Muqdisho.

amisomShalay askarta shisheeye ee xamar joogta waxay deegaanka lambar afar nin oday ah ku jiirsiiyen gaari gaashaaman oo ay wateen iyadoo dhaawac daran ka gaaray mid ka mid ah labadiisa lugood.

Dabadeed shacabka ayaa aad u carooday waxaanay isku hor gooyeen gaarigii arintaasoo shisheeyaha caqabad ku noqotay.

Midka mid ah dadka muqdisho oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in aanay dowlad haysan laakiin xamar ay joogaan cadaw shisheeye ah iyo soomaali cadaw kal kaal ah.

Wuxuu ku baaqay in dadku ay isku duubmaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay shisheeyaha isaga dul qaadi lahaayeen.

Muqdisho iyo Ciidamada Shisheeye

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.