Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidin oo La wareegay Aadan Yabaal.
Ciidamada Itoobiya oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Aadan Yabaal oo dhacda shabeelaha dhexe ayaa maanta halkaasi isaga huleelay.
Dadweynaha ku haray Magaalada ayaa soo dhaweeyay bixista Ciidamada Itoobiya.
Ciidamoaad ubadan oo katirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba la wareegay Magaalada.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobalka shabeelaha dhexe ayaa Alfurqaan usheegay in Ciidamada Xabashida qof madaxa looga jira ku dileen Aadan Yabaal mudadii ay ku sugnaayeen.
Goobo Ganacsi ayaa sidoo kale lagu jabsaday Aadan Yabaal xiligii ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo tiro yar oo ah maleeshiyaad Soomaali ah.