Ciise Xersi”Ciidamada Liyuu Boolis Shacab ayay Xasuuqeen”(Dhageyso)
Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Cadaado ayaa war kasoo saaray dagaallo dhex maray dad shacab ah iyo Ciidamada Itoobiya ee Liyuu Boolis.
Dagaalada ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday Dacdheere iyo deegaanno kale oo ka kala tirsan Gobalada Mudug iyo Galguduud.
Ciise Xersi oo kamid ah odayaasha beesha la laayay ayaa La hadlay idaacadda Alfurqaan isagoo ku sugan Magaalada Cadaado.
Waxa uu sheegay in la arkay maydad hor leh oo ay si arxan daro ah udileen ciidamada Itoobiya.
Itoobiya ayuu sheegay inay barakicisay shacab iyadoo isku fidinaysa dhul horleh.