Dhageyso:Axmaarada Bud bud joogta Dhibaatadey geysatay.
Ciidamada Amxaarada iyo tigreega ee dhawaanahaan Ku sugnaa deegaanka Bud bud ee Gobalka galgaduud ayaa soo afduubay dadkii magaalada ka qaxay qaarkood kuwaasoo lagu amray in ay ciidamada wehel u noqdaan.
Nabadoon Xaajji Roog oo ka mid ah indheer garadka Soomaaliyeed ee Galgaduud ku dhaqan ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan waxa uu ku sheegay in bud bud muddo dheer lagu haystya ammaan iyo kala dambeyn ha yeeshee amnigaas askarta Itoobiya bur buriyeen.
Wuxuu sheegaya in bulshadii Bud bud in badan oo kamid ah ay deegaano kale u qaxeen asigoo tilmaamay in Itoobiyaanka qudhooda dhibaato ku haysato deegaanka maadaama ay go’doon ku yihiin.
Asigoo hadalkiisa sii watta waxa uu tilmaamay in ay ka go’an tahay in ay shisheeyaha la jihaadaan o ay dalkooda xoreystaan.