Dhageyso:Biyaha Webiga ShabeelLe oo soo gaaray Awdheegle.
Ku dhawaad laba bilood oo uu gurnaa webiga shabeele iminka waxa deegaanaduu maro qaarkood soo gaaray biyo kuwaasoo beeraleydu ka faa’iideysanayaan.
Itoobiya ayaa biyaha webiga leexsatay maadaama ay sameysatay biyo xireeno ay ka qodatay dhulka Soomaaliyeed ee ay horay u qabsatay ha yeeshee roobab dhawaan da’ay ayaa sabab u noqday biyaha iminka la helay.
Shalay ayay bulshada ku nool Awdheegle oo shabeelaha hoose ka tirsan ku baraarugeeen biyaha webiga oo xowli u socda.
Kumaan reer Awdheegle ah oo faraxsan ayaa isku warsaday webiga jiinkiisa.
Qaarkood ayaa masaaro iyo yaambooyin qaatay oo u dhaqaaqay in ay beeraha ka shaqeeyaa.
Labo ka mid ah odayaasha Awdheegle isla markaana beeraley ah ayaa u waramay Idaacadda Islaamig aah ee Alfurqaaan