Dhageyso:Shacabka muqdisho oo xalay lagu dheel maday.

MuqdishoCiidamada Shisheeye iyo kaaliyaashooda Soomaalida ah ayaa xalay saq dhexe weeraray xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho iyadoo dadka guryaha loogu daatay.

Xaafado ay ka mid yihiin furayaasha, cali kamiin, xamar jadiid iyo kuwa kale ayaa la arkayay ciidamada afka duubta ee alpha group iyo kuwa nabad sugidda loogu yeero iyo shisheeyaha oo guryaha xoog ku gelaya.

Wadooyin badan ayaa la xiray waxaana la soo aruuriyay dad fara badan kuwaasoo saaka sideedii ama laba saac oo subaxnimo qaarkood dhanka xabsiyada loo kaxeystay.

Ciidamada ayaa dadka sharafta ka qaaday waxaana la arkayay rag baatiyo duuban oo banaanada la soo dhoobay kadib markii laga soo kaxeeyay aqaladii ay deganayeen.

Hadda waxaa naloo sheegayaa in wadooyinka la furay oo xaaladdu intii hore ka yara duwan tahay.

Saakay intii ciidamadu xaafadaha ku guda jireen ayaan nin gurigiisa ilinkiisa qori lala taagnaa xalayna loo soo dhacay khadka taleefoonka kula xariirnay kaasoo nooga waramay xiligaas sida jewigu ahaa iyo weerarka xalay lagu soo qaaday asiga iyo dadka kaleba

Dhageyso Howlgalada Muqdisho.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.