Dhageyso:Xagalay oo Sii Qiirad Leh kaga Hadlay Xasuuqa Ka imaanaya Amisom.

micShisheeyaha soo duulay ee ka socda Ugandha ayaa doraad dulleedka Buulo mareer ku xasuuqay dad shacab ah.

Dadka ayaa gaariga lagala degay kadibna waa lalaayay iyadoo indhaha lagala baxay

Soomaalida ku sugan gudaha iyo dibada ee wanaaga saaxiibka u ah kana damqada tacadiyada shisheeyaha ka yimaada ayaa aad kaga xumaaday ficilka foosha xun ee dhacay.

Cabdillaahi Cali Xagalay oo ka murugooday waxa dhacay ayaa Alfurqaan usheegay in Amisom ay Soomaaliya ujoogto waxyeeleynta shacabka.

Waxa uu sheegay in dadbadan ay laayeen islamarkaana aysan jirin cid isweydiisay dilalka ay gaysanayaan.

Kuwa nabad ilaalinta ku tilmaamay Amisom ayuu xagalay ku diiday sheegashadaasi.

Hey’ado iyo dowlado ayaa afka furta marka la laayo dadka kirsihtaanka ah amaba ciidmaada shisheeye ee dalka jooga.

Dowladda Muqdisho marnaba kama hadlaan shisheeyaha  xasuuqa ay ka wadaan Soomaaliya.

Xagalay ayaa sheegay in kuwa dowlada sheeganaya iskaba daayee inay ka hadlaan xasuuqa  shisheeyaha ay afkoodaba ku dafirayaan tacadiyada ka imaanaya amisom,

Shisheeyaha ku howlgala magaca amisom ayaa kolka ay soo galayeen Soomalaiya loo saxiixay in aanan lagala xisaabtamin dadka ay dileen.

Sababta saxiixaasi uu udhacay ayuu xagalay ka hadlay.

Dhageyso Wareysiga Cabdullaahi Cali Xagaley.

 

(scoopsindia.com)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.