Dhageyso:Xamlada Itoobiya shabeelaha Dhexe oo Laga Hadlay.

micKolonyo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ujahaystay degmada Aadan Yabaal ee shabeelaha Dhexe iyagoo ka baxay Gobalka Hiiraan.

Dhowr Cisho ayay usii socdaan Aadan Yabaal Walina Ma aysan gaarin degmada.

Dagaallo Culus iyo Qaraxyo ayay la kulmayaan Ciidamada Itoobiya.

xalay dagaal xoog leh oo muddo saacado socday ayaa lagu qaaday ciidamada Itoobiya oo ku sugan dulleedka Degmada Aadan Yabaal.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka.

Aadan Yabaal ayaa laga barakacay.

Hadaba Odayaasha shabeelaha dhexe ayaa ka hadlay xaalada Gobalka iyo Xamlada Itoobiya.

Wareysi uu Alfurqaan siiyay Afhayeenka Odayaasha shabeelaha Dhex Macalim Muxumed Macalim Xasan ayuu ku beeniyay in degmada ay ugacan gashay Itoobiya.

Dhageyso Wareysiga Afhayeenka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.