Dhageyso:Xarakada Alshabaab oo Ka Hadashay Asbaabta Dhalinyarada Ay Utahriibayaan,
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ah quwad la dagaalanta shisheeyaha Soomaaliya ku sugan ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay dhalinyaradii ka la atay badda udhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.
Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raagga oo jeediyay kalimad ayaa utacsiyeeyay ehelka ay ka baxeen dhalinyarada.
Sheekh Cali waxa uu faafaahiyay sababaha dhalinyarada ku qasbaya inay isku biimeeyaan badda.
waxa uu sheegay in Soomaaliya lagu soo duulay oo la boobayo dhaqaalihii dalka islamarkaana cunoqabatayn kusoo rogay ilihii dhaqaalaha dalka.
Dhalinyarada bada ku halaagsantay badankooda waxay ahaayeen aqoonyahano.
Shaykh Cali Dheere ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday in ka badan 5,000 (Shan kun) oo shaqaale ah oo dhawaan laga ceyriyey Dakada magaalada Muqdisho, islamarkaana howlahoodii lagu wareejiyey hay’ado Turkiga uu leeyahay.
Arimahaasi oo idil ayuu sheekhu sheegay inay keentay in dhalinyarada dibadaha ucararaan.
Sheekh Cali waxa uu sheegay in dalka kusoo qulqulayaan shisheeye ay kamid yihiin Itoobiyaan iyo Amxaaro kuwaasi oo la wareegay ganacsiga dalka.
Dhibaatooyinka Taagan sida looga bixi karo ayuu sheekh Cali kaga hadlay kalimadiida.