Diyaarad uu leeyahay Nidaamka Suuriya oo lagu soo riday gobolka Xalab.
Dagaalyahannada difaaca cirka ee Mujaahidiinta Jabhadda ayaa ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan Diyuurad dagaal oo uu leeyahay Nidaamka Mujrimka Suuriya ee uu madaxda ka yahay Bashaar Al-Asad.
Diyaaradan oo gelinkii dambe ee maalintii shalay lagu soo riday magaalada Al-Ciis oo dhawaan ay xureysay Jabhadda ayaa waxaa lasoo sheegayaa in nolosha lagu hayo mid kamid ah Duuliyaashii kaxeynayay Diyaaradda.
Mujaahidiinta ayaa la helay Diyaaradda mid kamid ah hubka lidka diyaaradaha loo yaqaano ee Baabuurta ku rakiban, waxaana diyaaradda oo aad u burburtay kusoo dhacday duleedka magaalada Talla Al-Ciis oo dhawaan laga eryay Nidaamka Suuriya.
Wariyaha Al-Manaara ee gobolka Xalab ayaa baahiyay muuqaalka Duuliyaha gacanta lagu dhigay oo lagu magacaabo Khaalid Siciid, wuxuuna sheegay inuu ku biiray Kulyadda Cirka ee Nidaamka sanadkii 1980, isagoona ahaa Sarkaal sare.
Wuxuu sheegay duuliyaha in uu isaga dhex gudbay Garoomo waaweyn oo ku yaala gudaha Suuriya, isagoo intaas raaciyaya inuu fulin jiray duqeymo xoogan oo lagu bartilmaameysanayo deegaannada ay maamulaan Mujaahidiinta iyo Mucaaradka.