Donald Trump oo wali ku horeeya doorashada Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.
Donald Trump oo ah Musharrax u taagan qabashada xilka ugu sareeya dalka Mareykanka, islamarkaana caan ku ah nacaybka muuqda ee uu qabo Muslimiinta ayaa wali ku horeeya doorashooyinka horudhac ah ee ka socoda gobollada kala duwan ee dalka Mareykanka.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay doorashooyin ka dhacay gobolka Newyork ayaa waxaa uu ka horeeyey ragga la tartamaya ee xisbigiisa jamhuuriga ka socda, waxaana uu helay codada gaaraya 57.3% halka Ted Croz uu halay wax gaaraya 14%.
dhanka kale haweeneyda ka socota Xisibga Dimuqraadiga ah ee Hellery Clinton ayaa iyana ku guuleysatay doorashooyinka ka dhacay magaalada Newyork, waxaana ragga la tartamayay ay kaga horeysay codad farabadan, taas oo ka dhigi karta iney noqoto haweeneyda u tartami doonto doorashada ugu dambeysa Xisbiga Dimuqraadiga.
Ninkan lagu magacaabo Donald Trump ayaa loolanka doorashadiisa waxyaabaha ugu badan ee uu ku ballan qaaday waxaa kamid ah inuu Muslimiinta ka mamnuuci doono iney gudaha usoo galaan Mareykanka, waxaana madaxda kale ee Mareykanka uu kaga duwanyahay inuusan qarsan karin cadaawadiisa halka kuwa kale ay aad u qariyaan ayna jeediyaan hadallo Nifaaq ah.