Hiiraan oo waali cusub loo magacaabay.(Maqal)
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa waali cusub u magacaawday Gobalka hiiraan kaasoo bedelay waaligii horey shaqada u hayay.
Sheekh Guuleed abuu nabhaan ayaa laga dhigay Gudoomiyaha Gobalka hiiraan ee xarakada Mujaahidiinta alshabaab waxaanuu bedelay ninkii xilkaan uga horeeyeey sheekh Maxamed Mire.
Munaasibada lagu sheecinayay waaliga cusub isla markaan xilka uu kula wareegayay ayaa shalay ka dhacday degmada buq aqable ee gobalka hiiraan.
dadkii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa sheekh Maxamed Mire iyo sheekh Guuleed abuu nabhaan iyo ugaaska beesha gaal jecel ugaas xuseen.
Waxay si qotta dheer uga hadleen masuuliaydda iyo dhibka ay leedahay iyo sida loogu baahan yahay in la iskaashado.
Gobalka hiiraan waxa uu ka mid yahay meelaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada amxaarada oo ay kaalmeynayaan kuwa jabuuti iyo xarakada mujaahidiinta alshaabab oo dhanka kale ka soo jeedda.