Jabhadda Al-Nusra oo la wareegay deegaan muhiim ah oo dhaca baadiyaha gobolka Xalab.

441
Sida lagu sheegay barta Twitterka ay ku leedahay Jabhadda, Ciidamo katirsan Mujaahidiinta ayaa la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo ku yaala baadiyaha Gobolka Xalab, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Nusayriyada Bashaar Al-Asad.

Deegaanka Mujaahidiinta Jabhadda ay la wareegeen waxaa lagu magacaabaa Al-Ciis, waana deegaan muhiim u ahaa Nusayriyada marka loo eego isku gudubka gobollada kala duwan ee dalka Suuriya.

Weerarka ayaa waxaa ka qayb galay Saddex Mujaahid oo naftooda huriyaal ah, waxaana marka ay camaliyaadkaas dhaceen kadib xigay duqeyn xoogan oo loo adeegsaday Madaafiicda culus.

Jabhadda ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dishay inkabadan 50 Maleeshiyo oo katirsan Nusayriyada, islamarkaana haatan Ciidankooda ay si buuxda u maamulayaan deegaanka Al-Ciis.

Jabhadda Al-Nusra ayaa kamid ah Mujaahidiinta ka howlgala dalka Suuriya, waxaana dagaalyahannadeedu caan ku yihiin Weerarada Iqtixaamaadka iyo Istish-haadiyiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.