Kummuu ahaa Cumar Cilmi Dixood?,(Maqal)
Cumar Cilmi dixood wuxuu ahaa nin kirishtaan ah ha yeeshee dhalashadiisu soomaali tahay waxaanuu ka tirsanaa Maamulka Soomaaliland asigoo ku magacaawnaa la taliyaha madaxweyne Axmed Siilaanyo ee dhanka Ictiraaf raaadinta.
Intii aanuu siilaanyo xilka qaban marbuu cumar ahaa ergayga Ictiraaf raadinta ee Somaliland hadana shaqadu uu yahay waxay ahayd isla middaas laakiin la taliye umbaa loo bedelay.
Axmed Siilaanyo iyo maamulkiisa ayaa wax aas qaran loogu yeero u sameeyay Cumar Cilmi dixood oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada hargeysa,
Midka mid ah bulshada ku dhaqan hargeysa oo u waramay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in ay ku faraxsan yihiin dhimashadiisa maadaama uu ku howlanaa in uu dadka gaaleysiiyo.
Siyaasiga Saalax Nuux Ismaaciil (saalax bad baado) oo u waramay asiguna Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa tilmaamaya in uu cumar aqoon u lahaa uuna ahaa nin kirishtaanimada ku adag.
Saalax sidoo kale waxa uu ka waramay dad badan oo waqtigii gumeysiga la gaaleysiiyay iyo in ay iminka jiraan siyaasiyiin kale oo kirishtaan ah oo soomaali ah.