Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tagay dalka Masar.

420161812033973Madaxweynaha dalka Faransiiska Franceo Holland ayaa booqasho ku tagay magaala madaxda dalka Masar ee Al-Qaahira isagoona halkas kula kulmay madaxweyanaha Afgembiga dalka Masar ee Siisi.

Kadib kulan ay yeesheen labada madaxweyne waxay qabteen Shir jaraa’id oo wada jir ah oo ay kula hadleen Saxaafadda, waxaana Holland uu dhaliilay siyaasadda uu isticmaalayo Siisi ee la xiriirta dilka, kufsiga iyo qab-qabashada kooxaha Mucaaradka ku ah, isagoona ugu baaqay in Masar ay dhowrto waxay Reer galbeedku ugu yeeraan Xuquuqda Insaanka.

Cabdi Fataax Siisi oo dhankiisa hadlay ayaa isagoo ka jawaabayo dalabka dhigiisa Faransiiska waxa uu sheegay in halbeegyada Xuquuqul Insaanka aysan isku mid ka ahaan karin Yurub iyo Masar, isagoona sheegay in Yurub ay ku taameyso waxa uu ku tilmaamay Ilbaxnimo sarreysa halka Masarna ay ka jiraan qalaan qallo dhanka Siyaasadda ah.

Siisi ayaa sheegay mar Wariye Faransiis ah uu su’aal ku aadan Xuquuqul Insaanka waydiiyay madaxweynihiisa, balse jawaabtaas uusan ku qancin Siisi in hadii dowladiisu dhacdo ay Yurub lugaha la gali doonto xaalad kacsanaan ah, isagoo taas ku muujinaya in dadka Muslimiinta ah uu u tacdiibinayo sidii dowladaha Yurub ay nabad ugu noolaan lahaayeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.