Madaxweynaha Xukuumadda taagta daran ee Yaman oo casilay Ra’iisul wasaarihii Xukuumadiisa.

441

Cabdi Rabbi Haadi Mansuur oo ah madaxweynaha Xukuumadda tabarta daran ee Yaman ayaa ku dhaqaaqay isbedel cusub oo ballaaran oo uu ku sameeyey xukuumadiisa caasimadda kumeel gaarka ay u tahay magaalada Cadan ee dhacda koonfurta dalka, ahna magaalada labaad ee ugu weyn dalka Yaman.

Haadi ayaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadiisa Khaalid Balxaaj waxa uu ka casilay xilkaas iyo jago kale oo uu hayay taas oo ahayd ku xigeenka madaxweynaha, waxaana Khaalid Balxaaj haatan laga dhigay la taliyaha guud ee Cabdi Rabbi Haadi Mansuur.

Jagada Ra’iisul wasaaranimada waxaa loo dhiibay Axmed Cubeyd bin Daqar oo la tilmaamay inuu kamid ahaa xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax, siyaasigan ayaana dhawaan kasoo goostay Xisbigii uu ka tirsanaa kadib khilaafaad soo kala dhex galay isaga iyo Cali Cabdalla Saalax.

Ku xigeenka madaxweynaha waxaa la dhigay Jeneraalka da’da weyn ee lagu magacaabo Cali Muxsin Al-Axmar, iyadoona loo sii daayay xilkii uu hore u hayay oo ahaa ku xigeenka Haadi ee dhanka hogaanka.

Lama oga asbaabta rasmiga ee ka dambeysa isbedelkan xoogan ee uu Haadi ku sameeyay Xukuumadiisa, balse waxaa xusid mudan in dalka Yaman uu marayo xaalad ka duwan midii hore oo waxaa haatan dagaallad lagu jabinayaa Maleeshiyada Xuuthiyiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.