Mahad Faarax oo La Dilay iyo Madaxtooyada oo Lagu Garaacay Madaafiic.
Dilal ka dhan ah sirdoonka Dowladda ayaa 24-kii saac lasoo dhaafay ka dhacay magaallo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Rag hubaysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday gaari uu la socday Mahad Faarax oo kamid ah saraakiisha sirdoonka Dowladda xili uu marayay Degmada Xamar weyne ee Muqdisho.
Ragga dilka gaystay ayaa goobta si nabad ah kaga tagay.
dilalka Muqdisho ayaa ka dhacaya degmooyinka ay ku xooganyihiin laamaha ammaanka taasi oo muujinaysa in dowladu dhex fadhiso fashil dhanka ammaanka ah.
dhanka kale goor dhaw waxaa weerar hoobiyayaal ah lagu garaacay Madaxtooyada Muqdisho.
lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda waxaana la arkayay gawaarida anbalaasta oo gudaha usii galaya madaxtooyada.
Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa xoojisay halganka ay ka wado Muqdisho xili ammaanka Lagu wareejiyay maamulka Gobalka Banaadir.