Maxaabiis ku xirneyd Guwantanamo oo lagu wareejiyay xukuumadda Aala-Sucuud.
Wasaaradda dagaalka Xukuumadda Mareykanka ayaa kudhowaad Toban Ruux oo katirsan Maxaabiista Muslimiinta ee kuu xiran xabsiga sumcada xun ee Guwantanamo waxay ku wareejisay xukuumadda Aala-Sucuud ee ka talisa dhulka Xarameynka.
Maxaabiistan la geeyey dhulka Xarameynka ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 9 Ruux oo dhamaantooda kasoo jeeda dalka Yaman, waxaana war kasoo baxay Mas’uuliyiin katirsan Bentagonka ay sheegeen in qorshahan lagaga gol leeyahay sidii guud ahaanba lagu xiri lahaa Xabsigaas oo waxbadan u dhimay sumcada beenta ah ee Siyaasadda dibadda ee Mareykanka.
Maxaabista lagu wareejiyay Aala-Sucuud waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Dhaariq Baacuuda, Cumar Cabdullaahi, Cabdu Raxmaan Muxamed Saalax, Cali Yaxya Mahdi, Muxamed Cabdulaahi Al-Xamiiri, Axmed Yaslam Siciid, Cabdi Raxmaan Al-Qiyaadhi, Mansuur Maxamed Cali, iyo Mash-huur Cabdulaahi Muqbil.
Sida ay sheegayaan Taqaariir warbaahinta Mareykanka ay goor hore baahiyeen, waxaa haatan Xabsiga Guwantanamo ku xiran 80 ruux oo Muslimiin ah, waxaana maxaabiistan qaarkood lagu wareejin doonaa dowlado kale, halka tobanaan iyaga kamid ahna la dhigi doono Xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaala dalka Mareykanka, balse waxaa arinkaas aad uga soo horjeeda aqalka Congreska, Obama ayaase laga yaabaa inuu isticmaalo awoodiisa fulin ee ka madaxweyne ahaan uu leeyahay.
Guwantanamo ayaa ah Xabsi sumcad daran oo ku yaala dalka Cuba, waxaana la furay wixii ka dambeeyey dagaalkii Mareykanku ku qaaday Afqaanistaan sanadkii 2001, sawirro iyo muuqaallo laga keenay gudaha Xabsigaasna waxay muujinayaan Tacadiyada xoogan ee ciidamada Mareykanku kula kacayaan Muslimiinta.