Maxaad ka taqaan haruubka soomaalida Cadawgeedu ku maalo?
Shisheeyaha iyo intii xumaan doonuhu waxay Soomaalida ku maalaan haruubka qabyaaladda kaasoo kolkii loo soo qaato ay badankeed si dhaqso leh u godlato.
Qabyaaladdu waxay qurmisay qalbiyada in badan oo Soomaalida ka mid ah waxaanay ka raariday meel qar iyo booraan ah.
Abwaan Cabdulaahi Suldaan Tima cadde waa kii lahaa dugsi male qabyaaladu waxay dumiso mooyaana.
Hadda Soomaaliya waxaa ka jira maamulo qabyaaladeysan oo ka dhigan shabaagtii lagu qabsan lahaa waxaanay maamuladu ku saleysan yihiin qabiil iyo anaa kaa tiro iyo xoog badan.
Aqoon yahan waxa badan soo joogay waayo aragna u ah heerka soomaalida qabyaaladdu gaarsiisay oo la yiraahdo siraad ayaa u waramay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan.