Qarax ka dhacay Caasimadda dalka Armiiniya.

armenie-explosion-afpWararka ka imaanaya dalka Armiiniya ayaa sheegaya in Qarax xoogan ayaa ka lala eegtaty Gaari Rakaab ah oo marayay meel u dhow magaalada Yariifaan oo ah caasimadda dalkaas.

Qaraxa oo illaa iyo hadda aan laga helin faafaahin dheeraad ah ayaa waxaa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaartay dadkii saarnaa Gaariga, waxaana dhintay hal Ruux, hlaka lix kalena ay dhaawacmeen.

Afahayeen u hadlay wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda Armiiniya ayaa xaqiijiyay qaraxa iyo khasaaraha uu geystay, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faafaahin intaas ka badan bixiyo.

Majirto cid ay dowladu ku tuhuntay weerarkan, waxaa sidoo kale jirin cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan oo ah mid khasaare dhaliyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.