Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Al-Qudus. (Sawirro)

downloadGelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa weerar xoogan oo loo adeegsaday Miinooyinka laga haro Rumuut Controlka ayaa waxaa lala eegtay Bas weyn oo siday dad Rakaab Yahuud ah, kaas oo marayay dhinaca galbeed ee magaalada Al-Qudus ee ku jirta gacanta gumeysiga Yahuudda.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan sida ay muujiyeen sawirro laga soo qaaday Baabuurka oo gebi ahaanba holcay ayaa waxa uu geystay khasaare lixaad leh oo soo gaaray Yahuudii saarneyd gaariga, waxaana inta haatan warbaahintu ay xaqiijinayaan ay gaareysaa dhaawaca 21 Ruux oo labo kamid ah ay xaaladoodu halis tahay.

Saraakiisha Booliiska oo waxyar un kadib markii uu Qaraxu dhacay warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ka dhashey cillad dhanka Matoorka gaariga ah ayaa ka laabtay warkaas waxaana si cad ay u sheegeen in Weerarka loo adeegsaday Qarax miino, taasna waxay xoojisay cabsida Yahuudda.

Bin Yamin Natahnyahu Ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuuda oo hadlay ayaa ku hanjabay iney soo qaban doonaan raggii ka dambeeyey weerarkaas oo uu ku tilmaamay iney Argagaxiso yihiin, waxaana dhanka kale weerarkan soo dhaweeyey guud ahaan dadka Muslimiinta gaar ahana reer Filastiin oo ku tilmaamay fal celin dabiici ah oo ay sameeyeen dadka Muslimiinta.

Wariyaha Aljazeera ee magaalada Al-Qudus Ilyaas Karaam ayaa sheegay in Qudus ay haatan ka taagantahay xaalad qal qal iyo cabsi ah isagoona sheegay in Yahuudu ka baqayaan in weeraro kale oo noocaan ah ay dhacaan, waxaana weerarkan uu yahay mid ka duwan kuwii hore u dhacayay oo loo adeegsan jiray Mindiyo ama baabuur la isku jiirsiyo, balse kani waa Miino lasoo diyaariyay kadinba si fudud loogu xiray Baabuurka taasna waxay shaaca ka qaadeysaa in unugyo Amni ah ay sal dhigteen magaalada Al-Qudus iyo guud ahaan dhulka Yahuudda xooga ku heysato.

4201618183727430f4253c-d1be-4089-bb82-9ade53aac1756cd01236-bba8-438e-a4e2-33f873e448ee

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.