Qaraxayo lagu weeraray Saldhig Booliis oo ku yaala wuqooyiga Qowqaaz.
Shalay oo Isniin ahayd waxaa dalk Ruushka ka dhacay weeraro xoogan oo lagu qaaday Saldhig Booliis oo ku yaala gobol lagu magacaabo Istafroobal.
Sida ay sheegeen madaxda Ruushka, weeraradu waxay ahaayeen kuwa naf hurnimo ah, waxaana lala beegsanayay Saldhig Booliis oo ku yaala magaalada Noofosilistakwi, waxaana illaa iyo hadda lasoo sheegin khasaare rasmi ah.
Booliisa Ruushka waxa uu sheegaya iney dileen labo ruux oo kale oo damacsanaa iney weeraro Naf hurnimo fuliyaan, isagoona intaa ku daray iney socdaan baaritaanno hor leh.
Afahayeen ku hadlay magaca madaxweynaha Ruushka Faladmir Butin ayaa sheegay iney aqoonsadeen dhamaan ragga fuliyay weerarka, isagoona sheegay iney kasoo jeedaan dalka Qowqaaz.
Tvyada maxalliga ee Ruushka ayaa qaarkood baahiyay muuqaallo muujinaya xooga qaraxyada, iyo uuro ka baxeysa Saldhiga, lamana oga cida rasmiga ah ee ka dambeysa weeraradan, balse waxaa xusid mudan in dhulka Qowqaaz ay ka howlgasho Imaarada Islaamiga ah ee Qowqaaz.