Roob Ka Da’ay Sh/hoose Saacado Kadib Markii La Dukaday Salaatul-Istisqaa. (Sawirro)
Roob si wanaagsan loogu diirsaday ayaa ka da’ay degaano hoos yimaada Sh/hoose, kadib markii qaar kamid ah degmooyinka gobolka laga dukaday salaada Roob doonka ah.
Degaanada uu roobku ka da’ay waxa u badan tuulooyin hoos yimaada degmooyinka Sablaale iyo Baraawe. Bulshada ayaa si aad ah ugu farxay nimcada uu Allaah ku galladay.
Maamulada islaamiga ah ee ummada u diyaariyay dukashada salaada Roob doonka ayaa Allaah ka baryay inuu nasiiyo roob wanaagsan oo lagu haraad iyo gaajo boxo islamarkaana aanan wax yeello wadan.