Saraakiil Sirdoonka Dowladda Ka Tirsan oo Lagu dilay Muqdisho.
Xoogag hubaysan ayaa dilal ka dhan ah saraakiisha Dowladda ka gaystay Magaalada Muqdisho.
Gaari ay la socdeen Saraakiil ka mid ah ciidamada Loo yaqaano Alpha Group ayaa rasaas lagu furay xili uu marayay xaafada Madiina ee Muqdisho.
waxaa la xaqiijiyay in goobta lagu dilay laba sarkaal waxaana si nabad ah ubaxsaday ragga dilka gaystay.
dhanka kale gaari kale oo ay la socdeen saraakiil ayaa lagu weeraray xaafada Siinaay ee Magaalada Muqdisho.
Warar ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dilay afar sarkaal oo kamid ahaa ciidamada sirdonka Dowladda Xasan sheekh.
Ammaanka Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana si firfircoon kaga howlgalaya xarakada shabaabul mujaahidiin.