Sarkaal sare oo katirsan Ciidamada dalka Yaman oo lagu dilay dalkaas.

441
Wararka ka imaanaya dalka Yaman waxay sheegayaan in dalkaas lagu dilay Sarkaal sare oo katirsan Ciidamada loogu yeero Sharciyada ee hoostaga xukuumadda magac u yaalka ah ee ka dhisan dalka Yaman.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Zayd Al-Xuuri ayaa ahaa Taliyaha guutada 314 ee Ciidamada Haadi, waxaana lagu dilay degmada Naham ee u dhow magaalada Sancaa.

Sida ay sheegeyso wakaaladda Faransiiska oo soo xiganeysa Masaadir gudaha Ciidanka ah ayaa sheegtay in Sarkaalka geeridiisu timid kadib markii shiishyahanno katirsan Xuuthiyiinta ay soo liifeen.

Al-Xuuri ayaa xubin muuqata oo aad u firfircoon ka ahaa dadaalada Xukuumadda Cabdi Rabbi ku dooneyso iney kusoo ceshato magaalooyinka Xuuthiyiintu maamulaan ee dalkaas, waxaana dhimashadiisu ay timid iyadoo xabad joojin la dhex dhigay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yaman inta aan ka ahayn Mujaahidiinta iyo Qabaa’ilka la safan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.