Shabaab iyo shisheeyaha keebaa shacabka u roon.(Maqal)
Iyadoo gobalada soomaaliya qaarkood bulshada ku noolu haystaan nabad gelyo lagu helay ku dhaqanka shareecada Islaamka ayay ciidamada shisheeye ku soo qaadeen duulaan, neceyb ay u qabaan in shareecada Islaamka la isku xukumo aawgeed.
Bulsho badan ayaa waayay amaankii ay haysteen waxaanay deris u noqdeen amaan darro iyo gumaad kaga imaanaya shisheeyaha iyo soomaalida la shaqeysa.
Waxaa jira kuwo weli haysta amaan deegaanadoodana horumar ka jiro oo weli mujaahidiintu u taliyaan.
Suldaan Cabdi-raxmaan Mahdi jimcaale oo xalay ay wareysatay Idaacadda Islaammiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in Meelaha mujaahidiintu ka arimayaan bulshada deganu amni haystaan horumarna gaareen ha yeeshee shisheeyaha shar lagala kulmay.