Sidee loo arkaa heshiiska Itoobiya damaanad qaadaha ka tahay?

lllllllllHeshiiska ay Garoowe ku gaareen Dowladda feeraalka ah iyo Maamulka puntland waxaa damaanad qaade ka ah oo in uu fulintiisa dhaqan geliyo u taagan wasiirka dibadda Itoobiya tedros adhanom.

Aqoon yahan Cabdulqaadir Cali Yaroow oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in itoobiya la wareegtay awooddii fulineed ee xukuumadda uu Cumar Cabdi-rashiid hogaamiyo.

Wuxuu tilmaamaya in hadafku yahay in aakhirka Itoobiya dalka si rasmi ah oo aan ka leex leexad lahayn loogu wareejiyo.

Cabdulqaadir ayaa si qotta dheer uga hadlay ahdaafta gurracan ee shisheeyaha gaaraan,

Shir ka dhacay Garoowe ayaa Cabdi weli Gaas oo ah madaxweynaha puntland lagu ogoleysiiyay barnamijka afar beelood iyo bar oo uu diidanaa in wax lagu doorto waxaana dadka joogay ka mid ahaa wasiirka dibadda Itoobiya, ergeyga qaramada midooby iyo midowga yurub waxaanay dhamaantood geestooda ka saxiixeen heshiiska federaalka iyo puntland.

Dhageyso Wareysiga  Cabdulqaadir Cali Yaroow.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.