Sidee loo arkaa kufsigii askarta Jabuuti ku kacday?
Dhawaan askarta jabuuti ee degan magaalada buulo barde ee gobalka hiiraan ayaa kufsatay mid mid ah haweenka magaaladaas ku dhaqan waxaana goobtii lagu xoogay laga soo qaaday iyadoo dhiig baxeysa.
Janan jabuutiyaan ah iyo askar uu hogaaminayay ayaa la sheegay in ficilkaa foosha xun ay ku dhaqaaqeen.
Indheer garadka gobalka Hiiraan waxay tilmaamayaan in arintaasu tahay mid aad looga xumaado ayna mudan tahay in laga dhiidhiyo.
Nabadoon Cabdi xiiray oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada jabuuti ay yihiin cadaw shisheeyaha hiil u ah waxkasta oo xumaan ahna ay la yimaadeen.
Wuxuu aad u dhaliilay nimanka xaasaskooda iyo gabdhahooda ku haya goobaha gaalada iyo gaalo raacyadu joogaan gaar ahaan wuxuu farta ku fiiqay raga ka raaliga ah in dumarkoodu ku sii nagaadaan buulo barde oo jabuutiyaanku fisqi baahsan ka wadaan.