Wilaayada Sh/Hoose oo Heshiis Dhex Dhigtay Habar gidir iyo Biyo Maal.(Maqal)
Kulan usocday Beelaha Habar gidir iyo biyo maal ayaa lagu soo gunaanaday Gobalka Shabeelaha Hoose.
Wilaayada shabeelaha Hoose ayaa gogol nabadeed udhigtay labada beel oo muddo colaad ay udhaxaysay.
Waxaa lagu heshiiyay in xabada la joojiyo oo wixii dhacay laga wada hadlo sadex bil kadibna xal rasmi ah laga gaaro.
Abuu Cabdala oo ah waaliga shabeelaha Hoose ayaa goobta ka hadlay waxaana uu goobta kasoo jeediyay awaamiir beelaha ku socda.
Dhageyso Kalimada Waaliga Shabeelaha Hoose.
Odayaasha Biyo maal iyo habar gidir ayaa ka hadlay heshiiska iyagoo soo dhaweeyay tillaabada wilaayada uqaaday xal ka gaarista dhibaatada ka dhex aloolsan beelaha.
Dhageyso Hadalada Odayaasha Biyo maal iyo Habar gidir.
Kulanka waxaa goobjoog u ahaa oo lagu casuumay odayaal ka socday beello kale.
Dhageyso Odayaasha Beelaha Kale.