Xalab oo wali Gumaad xoogan la kulmeysa.(Sawirro Naxdin leh)

ChCcnYrWIAEln1FDiyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nidaamka Nusayriga ayaa si xiriir ah maalintii saddexaad waxay duqeymo xoogan oo Arxan darro ah ka wadaan magaalada Xalab oo lagu tiriyo magaalada ganacsiga dalka Suuriya, islamarkaana ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka marka laga soo tago Dimshiq.

Duqeymahan oo sii billowday todobaadkii hore ayaa si cad oo bareer ah waxay u beegsanayaan Cisbitaallada, goobaha Waxbarashada iyo ganacsiga waxaana jirin cid difaaceysa Muslimiinta Xalab oo noqday kuwa Muuqalladooda qalbiga Muslimiinta guba.

Maalintii shalay oo jimco ahayd lama tukan Salaadda Jimcaha cabsi laga qabo duqeymaha, qof walibana wuxuu laazimay gurigiisa, balse sidaas loogama harin reer Xalab.

Diyaaradaha Ruushka ee loo yaqaanoa Sukhawi ayaa galabnimadii shalay oo Jimco ahayd waxay ka geysteen duqeymo gaaraya toban duqeyn oo dhamaantooda lala beegsaday goobaha danta guud oo ay dadku ku badanyihiin, waxaana tirada shuhadada shalay oo keliya ay mareysaa 40 ruux oo dumar iyo Caruur ay ku jiraan.

Majzaradii ugu xumeyd waxay dhacday todobaadkii aanu soo dhaafnay bartimihiisa, waxaana la duqeeyey cisbitaalka Al-Qudus oo xilligaas la tacaalayay dad kusoo dhaawcmay duqeymaha, waxaana duqeyntaas ay keentay guud ahaan inuu burburo Cisbitaalka, islamarkaana ku geeriyoodaan intii ugu badneyd howl wadeennada Cisbitaalka.

Waxa loogu yeero Mujtamaca dowliga ee Nifaaqa caan ku ah majirto war rasmi ah oo uu kasoo saaray waxa ka dhacayay Xalab, warbaahinta Reer galbeedka ayaana dowrkooda ciyaaraya iyagoona iska indha tiraya xasuuqa ka socoda Xalab.

Inkastoo Qaramada Midoobay iyo xukaamta Carabta laga filayay iney ka aamusaan dhibaatada Muslimiinta heysta ayaa hadana waxaa arinka is weydiinta mudan uu yahay halka ay ka baxeen Muslimiinta Caalamka gaar ahaan kuwa Carabta oo isha ka daawanaya walalahooda Xalab.

Waa in Muslimiinta Xalab Allah looga baryaa inuu ka dul qaado dhibaatada dhan waliba leh ee heysta, islamarkaana cadowga dul taagan ka dul qaado, ducada ayaana ah arin uu qof waliba oo Muslim ah awoodo.

ChE5YgZWIAAQ5rVChE_eSHWIAAN7cNChFAcaKW0AEMk48ChFBysQWgAAHyWUChILLyxW0AQSEQ4ChIWr35WMAAB5-TChJ3kIaW4AE7piFChJV87tWwAALwilChOXttbXEAA148t

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.