Xarakada Dhaalibaan oo ku dhawaaqday howgallada Guga ee sanadla ah.
Xarakada Islaamiga ah Dhaalibana ayaa ku dhawaaqday iney bilaabeyso howlgallada sanadla ah ee ay fuliso marka la gaaro xilliga Guga ee Roobabku ka da’aan inta badan Caalamka.
Bayaan kasoo baxay Xarakada ayaa lagu sheegay iney bilaabayaan Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah weeraro xoogan oo lagu dhiig bixinayo Shisheeyaha kusoo duulay dalka Afqaanistaan iyo ciidamada iyaga u adeega ee ay wataan.
Imaaradu waxay howlgalkan Guga ugu magac dartay amiirkii hore ee Imaarada Sheykh Mullaa Maxamed Cumar Mujaahid.
Awooda Xarakada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa sii xoogeysaneysa marba marka ka dambeysa, waxaana muuqaneysa in Reer galbeedku ku jabeen duulaankii Afqaanistaan, iyagoo haatan isku soo uruuriyay ciidamadooda magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.