Xiriirka u dhexeeya Talyaaniga iyo Masar oo sii xumaanaya.

egypte_99Xiriirkii Diblumaasi ee u dhexeeyay dowladaha Masar iyo Talyaaniga ayaa aad usii xumaaday, kadib markii dowladda Masar ay soo caddeyn wayday dadka ka dambeeya dil dalkaas dhowr bil ka hor loogu geystay Arday kasoo jeeda dalka Talyaaniga.

Baariyaal u dhashay dalka Masar oo laga sugayay iney la yimaadaan war cad ayaa dhawaan dowladda Talyaaniga waxay u geeyeen oo kaliya sawirro laga qaaday Arjini markii la dilay kadib, waxaana arinkaas ku qanci waayay dowlada Talyaaniga.

Xeer ilaaliyaha guud ee Talyaaniga ayaa sheegay in Masar asyan ka go’neyn iney shaaca ka qaaddo cida ka dambeysa dilka Ardygaas, waxaana dhawaan warar soo baxay ay sheegayeen in laga shaki qabo in Dowladda masar ya iyada qudheeda ka dambeyso dilka Ardeygaas, maadaama Ardeyga inta aan la dilin ka hor uu qoraallo uu ku cambaaraynayo dowladda Siisi uu daabacay.

Dowladda Talyaaniga haatan waxay u wacatay Safiirkeedii ka joogay Masar, waxaana la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xaaladan kacsan ee ka dhexeysa labada dowladood.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.