Aqoon yahan Idiris Xasan Faarax muxuu ka yiri qolada Kenya la heshiisay?(Maqal)

micAqoon yahan Idiris Xasan Faarax oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in qoladii dhawaan Dowladda Kenya hashiiska la gashay sheegtayna in ay Marreexaan wakiil ka tahay aanay beesha metelin.

Wuxuu ku macneeyay daba dhilifyo u nacamleeya cadawga oo aan damiir iyo dareen wadani midna la hayn.

Xubnaha dowladda Kenya kula heshiiyay qodobo Kenyaatigu kafaa’iidi karo waxaa ka mid ahaa cabdi faarax shirdoon (saacid) iyo Cabdi-weli sheekh Axmed oo labaduba xilka ra’iisalwasaare soo qabtay.

Waxaa kale oo ka mid ah xildhibaano iyo wasiiro dowladda federaalka ah hadda ka tirsan waxaana aqoon yahan Idiris Xasan Faarax sheegay in aanay soomaaliya dowladu ka jirin asiga oo is weydiiyay haddii dowladu jiri lahayd in aanay xubnihii ka tirsanaa jiray iyo kuwa hadda ka tirsanu qaab qabiil Kenya heshiis ula geli lahayn.

Idiris ayaa tilmaamay in dalku markuu bur buray ay bateen daba dhilfyada jabhadihii Dowladdii Maxamed Siyaad ridayna halka soomaaliya maanta taagan tahay ay u wadeen.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Idiris Xasan Faarax.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.