Beeralayda Soomaaliya oo shaqo ku howlan.

Beeraha

Dad badan ayaa dhulkooda ka tahriibay oo aaday dalal shisheeye waxaana qaarkood ku dhintaan meelo ka sokeeya halkii ay u socdeen.

Kuwo kale ayay dhici kartaa in xabsiyo la dhigo halka qaarka ay u suura gasho halkii ay rabeen in ay si nabad ah ku tagaana ay xeryo qaxooti iyo meelo la mid ah galaan.

Taa bedelkeeda waxaa jira dad dalkooda ka shaqeysta kuwaasoo isugu jira ganacsato iyo beeralay.

Hadda waxaa lagu jiraa xilligii guga dad badan ayaana wax beerasho ku howlan kuwaasoo qabta shaqooyin adag.

Nabadoon Maxamed Jimcaale oo ah nin oday ah ayaa ka mid ah kuwa beeraha u kallaha waxaanuu u waramay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan asigoo muujiyay sida uu ugu faraxsab yahay in uu shaqeysto.

Wxuu dhalinyarada qurbaha joogta ugu baaqay in ay dalkooda ku soo noqdaan oo ay shisheeyaha ka xoreeyaan dhulkoodana ay beertaan.

Halkan ka dhagayso Nabaadoon Maxamed Jimcaale oo ka waramaya howsha Beeraleyda Wilaayaadka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.