Bentagonka oo sheegtay inuu dilay Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan iyo Imaarada oo beenisay.

441

War kasoo baxay wasaaradda dagaalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn maalintii shalay ka dhacday deegaanada xuduuda ah ee kala bara dalalka Afqaanistaan iyo Pakistaan ay ku dileen hogaamiyaha Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan Sheekh Mullaa Akhtar Mansuur.

Bentagonka ayaa sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa droneska ay ku jiraan ay duqeymo ku qaadeen Gaari ay la socdeen labo ruux oo mid kamid ah loo maleynayo inuu yahay amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan Mullaa Akhtar Mansuur.

Warka kasoo baxay Bentagonka ayaa waxaa lagu muujiyay ineysan wali hubin inuu shahiiday Akhtar iyo In kale, balse waxay sheegeen iney socoota qiimeyn guud kadibna la kala ogaan doono inay dileen Akhtar iyo in kale.

Dhanka kale Afahayeen u hadlay Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa beeniyay inuu shahiiday Amiirka Imaarada Akhtar Mansuur, waxaana uu beeniyay guud ahaan sheegashada Mareykanka ee ku aadan arinkaas.

Dowladda Mareykanka ayaa ugaarsi ba’an ku heysa hogaamiyaasha Jihaadka Caalamiga ah, waxaana taas ay kaga gol leedahay iney ku joojiso Jihaadka inkastoo arinkaas uu yahay mid aan suura gal ahayn.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.