Cabdi Diiriye Cigaal”Amisom wey ku jabtay Soomaaliya”(Maqal)

amisomMidowga Yurub oo kamid ah maalgaliyaasha Amisom ayaa ku dhawaaqay inuu yareynayo dhaqaalaha ku baxaya ciidamada shisheeyaha afrikaanta Soomaaliya Ku soo duulay.

Arintaasi waxaa ka qeyliyay madaxda dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Cabdi Diiriye Cigaal oo ah Falanqeeye Milatari oo la hadlay idaacadda Alfurqaan ayaa sheegay in Amisom ay jabtay islamarkaana ay raadinayso hannaan ay kaga baxdo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in reer galbeedku Amisom ay keeneen Soomaaliya haatana afrikaantu Soomaaliya kala kulmeyn waxyaabo aysan filanayn.

sababaha  ay ku fashilmeen shisheeyaha Afrikaanta ayuu sharaxay Cabdi Diiriye Cigaal.

Cabdi Diiriye waxa uu sheegay in dhaqaallo badan uu ku baxay Amisom wixii laga rabayna aysan gaarin.

Umadda Soomaaliyeed ayaa ah shacab aanan ka daalin dagaalka oo iska dul qaaday shisheeye badan oo kusoo duulay.

Ugu danbeyn Cabdi Diiriye waxa uu ka hadlay kulan Dowlada Kenya ay la yeelatay siyaasiyiin  ku abtirsada Marayxaan.

Dhageyso Wareysiga Cabdi Diiriyr Cigaal.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.