Camaliyad Istish-haadi ah oo lagu laayay Ciidamo Mareykan ah oo ku sugnaa Afqaanistaan.
Sida lagu daabacay Webka Imaarada Islaamiga ah ay ku leedahay barta Internetka, waxaa camaliyad Istish-haadi ah oo aad u xoog badneyd lala eegtay kolonyo katirsan Ciidamada gumeysiga Mareykanka ee dalka Afqaanistaan ku duulay sanadkii 2001.
Weerarka Istish-haadiga ah oo uu fuliyay mid kamid ah guutada Istish-haadiyiinta ee Imaarada ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qalcatu Nasruu oo hoos tagta degmada Bagraam.
Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la gaarsiiyay ciidamada Mareykanka, waxaana la xaqiijiyay in la gubay gawaari saddex kabadan halka dhimashada Ciidamada Mareykanku gaartay wax kabadan 10 Askari.
Baabuurka uu Istish-haadigu kaxeynayay ayaa waxaa saarnaa maadooyinka Qarxa oo aad u farabadan taas ayaana keentay in khasaaraha Shisheeyaha soo gaaray uu bato, waxaana weerarkan uu qayb ka yahay howlgallada Al-cumariyah ee sida dar darta leh uga socda dalka Afqaanistaan.