Ciidamo katirsan Aala-Sucuud oo gaaray dalka Turkiga.
Ciidamo katirsan kuwa dowladda Aala-Sucuud kana kooban kuwa badda iyo dhulka ayaa gaaray dalka Turkiga, si ay uga qayb galaan Tababarka loo yaqaano Efes2016 oo sanadkan ay mati gelineyso dowladda Turkiga.
Wakaaladda wararka ee Aala-Sucuud magaceedana loo soo gaabiyo Waas ayaa sheegtay in gelinkii dambe ee sabtida ay gaareen magaalooyinka Anqara iyo Azmiir guutooyin kaitirsan Ciidamadooda kuwaas oo ka qayb gali doona Tababarada wadajirada ah ee ay sameyn doonaan ciidamo ka kala socoda 11 dowladood.
Dowladaha Tababarkan oo soconaya hal bil ka qayb galaya waxaa kamid ah Turkiga, Mareykanka, Aala-Sucuud iyo kuwa kale waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay mid kamid ah isku imaatinada ugu weyn ee ay Ciidamo sameeyaan.