Ciidamo katirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay dalka Maali.
Wararka ka imaanaya dalka Maali ayaa ku waramaya in dalkaas lagu dilay Ciidamo katirsan Qaramada Midoobay oo dalkaas ku duulay sanadkii 2013 iyagoo ku andocoonaya iney Nabad kusoo dabaalayaan dalkaas.
Kolonyo katirsan Ciidamada Qaramada Midoobay gaar ahaan kuwa ka socoda Jamhuuriyadda Togo ee dhacda Qaaradda Afrika ayaa iyagoo maraya inta u dhexeysa magaalooyinka Taningo iyo Siifaari ee bartamaha dalka Maali waxaa lala beegsaday Qarax xoogan oo burbur xoogan gaarsiiyay mid kamid ah Gawaaridii Kolonyada.
Haweeneyda ku hadasha Afka ciidamada duulaanka diin la dirirka ah ku jooga dalka Maali oo lagu magacaabo Raadiya Cashuuri ayaa xaqiijisay dhimshada ku timid Ciidamadan lala beegsaday Qaraxa, waxaana ay sheegtay in Ciidankan ay galbinayeen mas’uuliyiin maxalli ah oo Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Maali.
Caashuuri ayaa cambaareysay weerarkan, iyadoona ku tilmaamtay mid ka dhan ah Amaanka dalka Maali iyo Ciidamada Qaramada Midoobay.
Lalma oga cidda illaa hadda iyo ka dambeysa mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha xoogan lagu gaarsiiyay ciidamada Calooshood u shaqeystayaasha ah ee ku duulay dalka Maali balse waxaa dalakn ka howlgala Jamaacaad Jihaadi ah oo ay ugu weyntahay Faraca Alqaacida ee Maqribul Islaam iyo Jamaacada Ansaaru-Diin.