Dhageyso:Cabdulxayi oo Laga Wareystay Gumaadka Ku Socda Shacabka Xalab.
Cabdul xayi oo ah aqoonyahan ku sugan Muqdisho una dhuun dulleela qadiyadaha Dalalka islaamka ayaa ka hadlay xasuuqa ka socda Magaalda Xalab oo ay gaysanayaan Diyaaradaha nidaamka Bashaar iyo dowladda Ruushka.
Xasuuqii Muddo sanado socday ayuu Xabdul xayi sheegay inuu sii xoogeystay oo lagu baabi inayo inta ka harta shacabka suniga Suuriya.
Cabdul xayi ayaa sheegaya in kufrigu hal yihiin oo aysan waxba ku kala duwanayn.
Wuxuu sheegay in Ruushka iyo Maraykanku ay heshiis ku yihin gumaadka shacabka Suuriya.
Xukaamta carbeed ee daba dhilifyada wali kama hadlin gumaadka ka socda Xalab.
Cabdul xayi ayaa sheegaya in shacuubta muslimiintu yihiin kuwa ka qiiroonaya dhibaatada ka taagan xalab balse ay shucuubtasi ku dul habsadeen maamulo mujrimiin ah oo ushaqeeya kuwa xadgudubyada geysanaya.
guusha ayuu sheegay in ugu danbeyn heli doonaan muslimiinta.
Ruushka iyo maamulka Bashaar waxa ay duqeynayaa goobaha danta guud sida iskuulada iyo isbitaalada.
reer galbeedka iyo hey’adahooda xuquuqal aadanaha sheegta afka ayay furtaan marka la taabto goobahooda danta guud balse maxay kaga hadli Waayeen gumaadka ka socda Xalab.?