Dhageyso:Odayaasha Toora Toorow oo Beeniyay in Bandow Lagu Soo Rogay Magaaladaasi.

micCiidamo Maraykan ah ayaa weerar fashilmay kusoo qaaday degmada Toora toorow ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaasi oo habeen hore dhacay ayaanan gaysan qasaaro dhimasho ah waxaana ku dhaawacmay hooyo da’ah.

Qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in weerarka kadib Shabaabul Mujaahidiin ay bandow kusoo rogeen Magaalada.

Hadaba Odayaasha Dhaqanka Magaalada oo Xeriir Lasoo sameeyay idaacadda Alfurqaan ayaa beeniyay warka ay baahiyeen warbaahinta taageersan Amiosm.

Waxa ay sheegeen in Magaalada lagu nabad qabo islamarkaana ganacsiga uu sidiisa ushaqeynayo wax bandow ahna uusan ka jirin Magaalada.

Dhageyso Odayaasha Dhaqanka Toora Toorow .

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.