Dhageyso:Warbixin Ka Hadlaysa Bahdilaada Itoobiya Kula dhaqanto Dabo dhilifyada Ushaqeeya.
Hab dhaqanka Gumeystaha Lagu Yaqaano ayaa kamid ah in six un uu ubahdilo kuwa Camiilada u ah ee kagala shaqeeya damaca Gumeysigooda.
Itoobiya waxa ay kamid tahay Gumeystaha afrikaanta kuwa ugu xun.
Soomaalida iyo Itoobiya waxaa udhaxeeya Cadowtooyo fog oo aanan la qarin Karin si kasta oo daba dhilifyada Itoobiya ugu tilmaameen inay walaalo la yihiin oo ay Soomaalida uwado dowladnimo iyo deganaansho.
Ragga Itoobiya ay sucad xumeysay ee Sooaalida ah laa soo koobi karo balse waxaa wax lala yaabo ah in wali ay jireen dad haya wadadii kuwa la eryay markii itoobiya ku fuusshay jaranjarada.
Gobalka Hiiraan gaar ahaan Baladweyne waxaa haatan ku xiran Sarkaal Lagu Magacaabo Maxamed Kaariye Caraale kaasi oo kamid ah saraakiisha itoobiya kusoo hogaamiyay Gobalka Galguduud.
Ninkaasi ayay ciidamada Itoobiya kasoo kaxeeyeen Ceelbuur iyagoo jirdilay waxaana ay dhigeen xabsi ku yaala Baladweyne.
Dowladda Federalka oo ah dowladda shisheeyuhu dhisay kana hadli Karin ficilada ka yimaada Itoobiya ayaa sheegtay war ay ku qarinayso sababta loo xiray Korneel Maxamed Kaariye
Waxa ay dowladu sheegtay in Korneel Maxamed uu dilay Sarkaal kasoo Goostay Alshabaab kaasi oo lagu magacaabo Ciise Cali Mire.
Saciid Cabdi Faarax duqi hore Gaalkacyo Ayaa isna dhawaan ka hadlay bahdilaad uu kala kulmay Itoobiya markii loo diiday in lagu soo wareejiyo guri uu leeyahay oo ay deganyihiin Saraakiisha Itoobiya ee Ku sugan Magaalada Garowe.
Halkan Ka dhageyso Warbixin Ka hadlaysa Bahdilaada Itoobiya.