Dowladda Bangaladesh oo xukun dil ah ku fulisay Amiirkii Jamaacada Islaamiga ee dalkaas.
Dowladda Bangaladesh ayaa Xukun dil ah ku fulisay gudoomiyihii Jamaacada Islaamiga ah Mudhiicu Raxmaan Nidaami saq dhexe oo habeenkii xalay ah.
Wasiirka Garooska ee xukuumadda Bangaledesh Aniisul Xaq ayaa warbaahinta u sheegay in Nidaami la dal dalay markii ay saacadu ku beegneyd 12:01 oo habeenimo, waxaana uu da’ ahaan ninkan jiray 73 sano.
Xukuumadda dalkaas ka dhisan ayaa ku eedeyneysa inuu geystay fal dambiyeedyo dagaal, intii lagu guda jiray dagaalladii 1971 ee u dhexeeyay dowladda Pakistaan iyo Bangaledesh oo xilligaas doonaysay iney ka go’do dalka Pakistaan.
Saacado ka hor inta aan la dilin ayaa waxaa loo keenay Caruurtiisa iyo Eheladiisa, waxaana lasoo wariyay in guud ahaanba uu diiday inuu cafis ka dalbado Madaxweynaha dalkaas, isagoona dhanka kale kula dar daarmay taageeriyaashiisa iney is celiyaan islamarkaana sameyn waxyaabo Amaanka dalkaas wax u dhibaya.
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dhayib Ordogan ayaa cambaareeyey dilka lagu fuliyay Mudhiicu Raxmaan amiirkii hore ee Jamaacada Islaamiga ah, waxaana uu sheegay in dilkiisa uu yahay mid Sharci darro ah islamarkaana aan dimuqraadiyad ahayn.
Bangaledesh ayaa fulisay silsilado dal dalaad ah kuwaas oo lagu fuliyay Rag katirsanaa Jamaacadii Islaamiga ah oo mar ka dhisneyd dalkaas, waxaana ay ku gacan seertay dalabyo uga yimid dowlado Maxalli iyo kuwa Caalami ah oo looga codsaday iney ka joogsato dilalka joogtada ah.