Dowladda Iiraan oo muwaadiniinteeda uga digtay iney u safraan dalka Ciraaq.

52016292618447Xukuunadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa dadkeeda uga digtay iney u safraan dalka Ciraaq ay ka taagantahay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeysa Shiicada dhexdooda.

Madaxa arimaha Xajka u qaabilsan Iiraan ayaa sheegay iney joojiyeen guud ahaan safarada diyaaradaha Iiraan ay ku tagi jireen dalka Iiraan inta uu xaalku iska bedelayo, waxaana joojintan ay bilaabatay maalintii shalay oo Axad ahayd.

Banaan baxayaal Shiico ah oo taabacan Muqatada AL-Sadri ayaa maalintii Sabtida waxay banana baxyo waaweyn ka dhigeen magaalada Baqdaad, iyagoona sidoo kale xoog ku galay aqalka Baarlamanka dalkaas.

Dadkan shiicada ah ayaa ku dhawaaqayay hadallo ka dhan ah Dowladda Iiraan iyo jeneraalka Qaasim Suleymaani oo Iiraan uga wakiil ah dagaallada ay kaga jirto Suuriya iyo Ciraaq.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.