Dowladda Iiraan oo qiratay in lagu jabiyay dagaalkii Khaan dhuumaan ee dalka Suuriya.

441 (1)

Dowladda Iiraan oo si toos ah uga qayb qaadaneysa dagaalka kulul ee u dhexeeya Muslimiinta iyo Rawaafida kana socoda dhulka Shaam ayaa qiratay in lagu jabiyay dagaallo dhamaadkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Khaan dhuumaan ee dhacda koonfurta baadiyaha Xalab.

Xilibaan katirsan qabyta difaaca ee Baarlamaanka Iiraan ayaa sheegay in dagaalkii Khaan dhuumaan khasaare adag uu kasoo gaaray ciidankooda, waxaana uu sheegay in la dilay qaar, halka kuwa kale ay dhaawacmeen, isagoona shaaca ka qaaday in qaar kamid ah ciidamadooda maxaabiis ahaan ay ugu gacan galeen Mujaahidiinta.

Wuxuu sheegay in laga dilay 13 Askari, halka 18 kalena ay dhaawcmeen, waxaana uu sheegay in 6 Askari iyagoo nool ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mujaahidiinta Jabhadda Al-Nusra oo kaashanayay kuwa Jundul Aqsaa iyo Xisbiga Islaamiga ah ee Turkistaan.

Dagaalkan kulul o dhacaya khamiistii aanu soo dhaafnay ayaa muuqata inuu kamid ahaa dagaalladii ugu kululaa ee khasaare intan la eg dhabarka loogu saaro dowladda Raafidada Iiraan ee dagaalka diin la dirirka ah kaga jirta wadamo badan oo Caalamka Islaamka katirsan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.