Duulaanka maraykanka ee wejiga cusub leh sidee loo arkaa?

micShalay subax 16 05 2016 ciidamada Maraykanka ayaa oo kaashanayaa ciidamada Uganda ayaa weerar ku soo qaaday Magaalada Bariire ee Gobalka shabeelaha hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa qaraxyo kala hor tegay Maraykanka iyo xulufadiisa halkaasoo gaadiid dagaal lagu gubay.

Mujaahidiinta ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta bariire iyadoo iminka Calanka towxiidku ka babanayo.

Odayaasha dhaqanka ee bariire waxay sheegayaan in lagu soo duulay shareecada Islaamka iyo ku dhaqankeeda.

Waxay soomaalida ugu baaqeen in ay u guntato dagaal ka dhan ah Maraykanka iyo wax uu horseedka u yahay ee midnimada iyo wada jirka soomaalida ka soo horjeeeda.

Midka mid ah odayaasha oo mmagaciisa in saxaafaddu shaaciso ka gaabsaday ayaa u waramay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan.

Sidoo kale Korneyl Cabadulqaadir Axmed Nuur oo ka tirsanaa jiray Dowladdii Maxamed Siyaad Barre Madaxda u ahaa ayaa tilmaamaya in Maraykanka duulaankiisu aanuu wax cusub ahayn ee uu soo bilowday sideetamaadkii ilaa maantana hadba wejji isiticmaalayay.

Asigoo ku waramayay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan Korneylku wuxuu hoosta ka xariiqay in askarta Maraykanku ay yihiin fulayo aad u baqaya taasuna ay keeneysi in goobtii la isku fara saaraba ay ku jabaan ama ay cararaan.

Dhagyeso Wareysi aan la yeelanay mid kamid ah Odoyaasha Reer Bariire jooga.lite

Halkan ka dhageyso Korneel Cabdul Qaadir Axmed Nuur.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.